Barcelona Oo Ku Dhawaaqday Inay Markale Isku Dayeyso Saxiixa Philippe Coutinho & Liverpool Oo Weli Aamusan

0
691

Barcelona ayaa u sheegtay Liverpool inay dalab cusub kasoo gudbin doonaa Philippe Coutinho bisha Janaayo.

Kooxda reer Catalan ayaa 3 jeer isku dayday inay la saxiixato kubadsameeyaha Brazil, laakiin Reds ayaa mid kasta oo kamid ah dalabyadaas soo diiday.

Laakiin go’aanka Barcelona ayaa ah in markale ay isku dayaan saxiixa Philippe Coutinho bisha Janaayo.

“Waxaan diyaar u nahay inaan la saxiixno Coutinho ama ciyaaryahan kale ayuu saxaadafa u sheegay Agaasimaha farsamada kooxda Barcelona.

“Waxaan dooneynaa inaan heysano kooxda ugu badan ee tartan kasta qaadi karta, waxaanu raadin doonaa inaan isbedel badan sameyno ayuu hadalkiisa ku daray .

Liverpool ayaa la fahamsan yahay inay ka welwelsan tahay isku dayga markale Barcelona ku dooneyso bisha Janaayo saxiixa Philippe Coutinho.

Klopp hadda waxaa heysta xaalad xun oo dhaawacyo ah , waxaana lix isbuuc maqnaan doona Sadio Mane, halka Lallana weli uusan soo kaban.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan