Ciyaaryahankii Hore Ee Inter Iyo Xulka Brazil Adriano Darbo Weyne Oo kubada Cagta Kusoo Laaban Doona

0
1212

Xiddigii hore ee reer Brazil Adriano, oo 35 sanno jir ah, ayaa doonaya inuu mustaqbalkiisa ciyaareed dib u bilaabo markale.

Adriano ayaa sheegay inuusan laheyn wax dhibaato ah hadda, islamarkaana uu doonayo inuu kusoo laabto xirfadda kubada cagta, ibkastoo mar la sheegay inuu nolosha ka dhacay.

35 jirkaan ayaan ciyaarin kubadda cagta tan iyo markii uu ka tagay kooxda Miami 2016kii, laakiin tartamada Copa America iyo Confederations Cup ayuu doonayaa inuu u ciyaaro xulkiisa Brazil oo uu kusoo laabanayo sannadka 2018ka.

Marka loo barbardhigo halyeeyga Brazil Ronaldo, Adriano ma ahan mid miisaan badan ku leh kubada cagta dalkiisa sababo la xiriira Daroogada oo uu aad u isticmaali jiray.

Si kastaba ha ahaatee, Adriano oo afar horyaal oo Serie A ah la qaaday kooxda Inter ayaa sidookale u ciyaaray kooxaha Roma, Fiorentina, Parma, Flamengo, Corinthians, Sao Paulo iyo Atletico Paranaense.

Waxaan isku diyaarinayaa mashruuca cusub ee nolosheyda, waxaan ku soo laaban doonaa tababarka bisha Janaayo, “Adriano ayaa sidaasi u sheegay TV Globo.

Adriano ayaa xulka qaranka Brazil u dhaliyay 29 gool 50 kulan oo uu usaftay intii u dhaxeysay 2000-10kii.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan