Coutinho Oo Ku Wajahan Barcelona, Real Madrid Oo Ku Dhaw Harry Kane, Mustaqbalka Mourinho & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa

0
1953

Barcelona ayaa uga digtay Liverpool inay isku diyaariso dalab afaraad oo kusocda Philippe Coutinho bisha Janaayo.

Kooxda Catalans ayaa Coutinho dalab weyn u dirtay intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga, laakiin Jurgen Klopp kooxdiisa ayaa soo diiday mid kasta oo kamid ah saddexdaas dalab.

Inta badan wargeysyada ayaa maanta qoraya in Coutinho uu ka tagayo Liverpool, iyadoo ciyaaryahanka reer Brazil uu weli ku fikirayo inuu u dhaqaaqo Barcelona.

Dhinaca kale, wargeyska Metro ayaa sheegaya in Harry Kane 200 oo milyan oo ginni uu ugu dhaqaaqi karo kooxda Real Madrid.

Wargeyska Diario Gol ayaa sidookale sheegay in Gareth Bale iyo Luka Modric laga qeyb dhigayo qorshaha Tottenham looga iibsanayo Kane.

Dhanka kale, The Sun ayaa si cad u shaacisay in Manchester United ay diyaar u tahay inay Jose Mourinho u soo bandhigto qandaraas cusub oo uu waqti dheer kusii joogayo Old Trafford.

Tababaraha reer Portugal ayaa lagu soo waramayaa inuu qandaraaskaas oo shan sano ah ku qaadan doono 65 milyan oo ginni.

Dhanka kale Dani Alves ayaa soo dhaweyay rajada Alexis Sanchez ugu biirayo kooxda Paris Saint-Germain.

Xiddiga Arsenal Alexis Sanchez ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Paris Saint-Germain bisha January marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Express Sport ayaa fahamsan in PSG ay bixin doonto 10 milyan oo ginni haddii uu Sanchez ogolaado heshiisa uu ugu soo dhaqaaqayo bisha Janaayo.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan