Dani Alves Oo Bilaabay Olole Qalbi Jab Ku Ah Jamaahiirta Wareersan Ee Arsenal

0
502

DANI ALVES ayaa soo dhaweyay rajada Alexis Sanchez ugu biirayo kooxda Paris Saint-Germain.

Xiddiga Arsenal Alexis Sanchez ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Paris Saint-Germain bisha January marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Express Sport ayaa fahamsan in PSG ay bixin doonto 10 milyan oo ginni haddii uu Sanchez ogolaado heshiisa uu ugu soo dhaqaaqayo bisha Janaayo.

Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay inay PSG doonayaan inay iska iibiyaan Edinson Cavani, iyadoo bedelkiisa laga dhigayo Alexis Sanchez.

Sanchez ayaa noqon doona wiil xor ah marka uu qandaraaskiisa Arsenal dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkaan, waxaana uu iska diiday qorshahe uu heshiiska ugu kordhinayo.

Manchester City ayaa ku fashilantay inay ku guuleysato saxiixa Sanchez, iyadoo laga diiday dalab ay ka gudbiyeen habeenkii ugu dambeeyay suuqa.

Laakiin Alves oo waqti kula qaatay Alexis Sanchez kooxda Barcelona, ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhaweyn lahaa haddii xiddiga Gunners kula midoobayo PSG.

Ka dib markii Brazil ay 3-0 kaga badisay Chile, Alves ayaa yiri: “Waxaan doonayaa inana markale midoowno Sanchez.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan