Fabinho oo farxad galiyay labada Manchester xili uu sheegay inuu Janaayo bixi doono

0
692

 

Masuulka ugu sareeyo kooxda Monaco Vadim Vasilyev ayaa sheegay in xagaaga dambe ay Fabinho iska iibin doonaan.

Balse Fabinho ayaa doonayo in bisha Janaayo marka uu suuqa Yurub dib u furmo xidigaan la iska iibiyo.

Hadalka kasoo yeeray Fabinho waxaa soo dhaweeyeen labada Manchester oo ku hungoobeen saxiixa xidigaan xagaagii aan kasoo gudubnay.

Macalin Jose Mourinho ayaa taageero u ah Fabinho wuxuuna doonayaa inuu bisha Janaayo lasoo saxiixdo si uu garabka midig ee daafaca kaga cayaarsiiyo.

Pep Guardiola isagana xidigaan wuxuu u doonayaa inuu kaga faa’iideesto boosaska kala duwan ee uu cayaari karo sida khadka dhexe iyo daafaca garabka midig.

Monaco waxay ku dooneysaa Fabinho 50-milyan oo euro ah waana qiimo lacageed oo ay bixin karaan labada Manchester oo isku heestaan hanashada EPL xili cayaareedkan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan