Kadib Bale, Carvajal Iyo Kovacic, Real Madrid Oo Xaqiijisay In Ciyaaryahan Kale Oo Muhiim Ah Uu Seegayo Kulamada Getafe & Tottenham

0
1631

REAL MADRID ayaa lagu soo waramayaa inuu dhaawac weyn soo gaaray, iyadoo ciyaaryahan kale oo muhim ah uu seegi doono kulanka Champions League ee isbuuca soo socda.

Gareth Bale ayaa hore looga reebay safka wajahaya kooxdiisii hore, isagoo dhaawac kubka ah qaba.

Daafaca buuxa ee Dani Carvajal ayaa sidoo kale xaalada la xiriirta xanuun wadnaha ah kaga maqan Madrid, halka Mateo Kovacic uu dhaawac ku maqan yahay.

Laakiin intii lagu jiray fasaxii ciyaaraha heerka caalamiga, Zinedine Zidane ayaa helay warar naxdin ku ah kooxdiisa.

Goolhaye Keylor Navas oo dhaawac looga saaray kulankii xulkiisa wajahay Honduras, waxaana 30 jirkaan uu seegay kulankii ugu danbeeyay xulkiisa wajaheen Panama.

Keylor Navas

Navas ayaa lagu wadaa inuu seego kulankan La Liga kooxdiisa Real Madrid ku wajaheyso Getafe, sida ay ku warameyso Marca.

Real Madrid ayaa haatan wajaheysa Spurs, iyagoo aan heysan goolhayahooda koowaad, taasoo faa’iido u ah gooldhaliyaha Tottenham Harry Kane.

Goolhayaha labaad ee kooxda Real Madrid Kiko Casilla, ayaa kaliya hal kulan u ciyaaray kooxdiisa xilli ciyaareedkaan, waxaana la rajeynayaa inuu buuxiyo booska Keylor Navas.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan