Kooxda Manchester United oo abaal-marinaysa macallinkeeda Jose Mourinho

0
695

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay qorshaynayso inay heshiis cusub oo shan sanadood ah ku abaal-mariso macallinkeeda Jose Mourinho.

54-sano jirkaan ayaa kala bar la marayaa heshiiskiisa saddexda sano ah, laakiin madaxda sare ee kooxda Old Trafford ayaa u muuqda inay diyaar u yihiin inay dhigaan rumaysadkooda mustaqbalka fog ee macallinka reer Portugal.

Sida uu warinayo Wargeyska The Sun Manchester United ayaa isku diyaarinaysa inay macallinkeeda Mourinho u gacan galiso heshiis socon doona illaa 2022-ka, iyadoo heshiiskaas uu ku kacayo 65 milyan oo gini.

Heshiiska horumarinta ayaa la sheegay inuu abaal-marin u yahay Man United oo hoggaanka u haysa horyaalka Premier League, maadaama ay horyaalka kula tartamayaan Manchester City, labada kooxood ee reer Mancheter ayaana laga badinin todobo kulan oo isku xigta.

Kooxda reer England ayaa ku dhammaystay kaalinta lixaad ee kala horreynta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, laakiin Macallin Mourinho ayaa awood u yeeshay inuu kooxda ku hoggaamiyo ku guuleysiga koobabka EFL Cup iyo Europa League.

Tan iyo markii uu yimid kooxda bishii May ee sanadkii 2016-kii, Mourinho ayaa Man United maamulay 75 kulan tartammada oo dhan waxa uu guul ku hoggaamiyey kooxda 46 kulan, iyadoo kaliya uu guuldarreystay 10 kulan.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan