Kooxda Real Madrid oo xaqiijisay inuu dhaawacmay goolhaye Keylor Navas

0
471

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain ayaa xaqiijisay inuu ka dhaawacmay goolhayeheeda Keylor Navas.

Goolwale Keylor Navas ayaa dhaawac gumaarka ahi uu soo gaaray intii uu ku guda-jiray waajibaadka xulkiisa qaranka Costa Rica.

30-sano jirkaan ayaa ku soo bilowday kulankii dalkiisa uu barbaro 1-1 la galay Honduras Sabtidii, laakiin dhaawac ayaa ku soo gaaray kulankaas.

Xiriirka kubadda cagta Costa Rica ayaa xaqiijiyey in Navas uu xanuun ka dareemayo gumaarka, isla markaana aan dhaqaatiiru ay sheegeen inuu gumaarka dhinaca midig uu u badan yahay xanuunka.

Real Madrid ayaa sidoo kale bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in kaddib markii tijaabo la marsiiyey ciyaaryahan Keylor Navas uu muruqa gumaarka dhanka midig uu dhaawac ka qabo, isla markaana waxa ay u rajeeyeen soo kabasho deg deg ah inkastoo aysan xaqiijin mudada uu garoomada ka maqnaanayo.

Keylor Navas ayaa ku biiray liiska xiddigaha dhaawacyada uga maqan kooxda Los Blancos sida Gareth Bale, Karim Benzema, Mateo Kovacic iyo Marcelo.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan