Miyuu difaaca Kooxda Arsenal ee Laurent Koscielny taam u yahay kulanka Sabtida ee Premier League?

0
913

Sida wararku ay sheegayaan difaaca kooxda kubadda cagta Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa la warinayaa inuu dib ugu soo laaban doono kulanka Sabtida ay kooxdiisu u safri doonto naadiga Watford ee Premier League.

32-sano jirkaan ayaa seegay labadii kulan ee ugu dambeeyey oo uu xulkiisa Faransiisku ciyaaray kulamadii isreeb-reebka Koobka Adduunka, kaddib dhaawac muruqa ka soo gaaray, laakiin sida la rajeynayo waxa uu taam u noqon doonaa kulanka galabta Sabtida ah ay kooxdiisu la ciyaari doonto Hornets, sidaas waxaa warinaya Wargeyska The Telegraph.

The Gunners ayaa wajahaysa dhibaato dhanka daafaca ah, iyadoo xiddiga xulka qaranka Jarmalka ee Shkodran Mustafi uu qabo dhaawac bowdada ah, halka Calum Chambers uu ka sheeganayo dhibaato dhaawac oo misigta ah.

Taageerayaasha kooda Arsenal ayaa rajeynaya in joogitaanka Koscielny ee kulankaas ay sii wadi karto qaab ciyaareedkooda cajiibka ah ee ay ku socdaan, maadaama ay doonayaan inay sii dheereystaan guulaha ay gaareen shan kulan.

Difaaca garabka dambe ee Sead Kolasinac, kaa soo laga saaray qeybtii hore kulankii Bosnia ee habeenkii Talaadada ahayd ayaa sidoo kale la filayaa inuu taam u ahaado kooxdiisa Arsenal kulanka ay booqanayso garoonka Vicarage Road.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan