N’Golo Kante oo la ogaaday kulamada uu ka maqnaan karo kooxdiisa Chelsea

0
1437

Laacibka khadka dhexe ee kooxda kubadda cagta Chelsea N’Golo Kante ayaa la soo waarinayaa inuu muddo dheer garoomada ka maqnaan doono kaddib markii uu dhaawac muruqa ka soo gaaray waajibaadka xulkiisa qaranka.

Kante ayaa garoonka laga saaray intii lagu guda jiray qeybta hore kulankii xulkiisa Faransiisku uu guusha ka gaartay Bulgaria todobaadkii hore, waxaa sida la og yahay uu xiddigan 26-sano jirka ah uu ka maqnaan doonaa kooxdiisa Chelsea kulanka Premier League ee Sabtida ay la dheeli doonto Crystal Palace.

Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska The Telegraph ayaa warinaya in Kante uu seegi karo lixda kulan ee ku soo aaddan kooxdiisa Chelsea, oo ay ku jiraan labada kulan ee ay la leeyihiin Roma ee Champions League.

The Blues ayaa lagu wadaa inay ciyaari doonto qeyb ka mid ah kulamadaas inta lagu jiro bisha October, iyadoo ay raaci doonto kulanka garoonka Stamford Bridge ay kala dheeli doonto kooxda Manchester United horraanta bisha November.

Kante ayaa xilli ciyaareedkan si joogta ah u ciyaarayay, laakiin ciyaaryahankii hore ee Leicester City ayaa la kulmi doona suurto-galnnimada inuu seego ugu yaraan saddex kulan oo horyaalka ah isbuucyada soo socda.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan