Paul Merson Oo Carabka Ku Dhuftay Kaliya Hal Arin Oo Arsenal Ku Qaadi Karto Premier League- Wenger Ma Yeeli Karaa?

1
2342

Ciyaaryahankii hore ee Arsenal iyo Portsmouth Paul Merson ayaa sheegay in haddii macalinka Arsenal adeegsado falsafada Harry Redknapp uu ku guuleysan karo horyaalka Premier League.

Paul Merson ayaa aaminsan in Arsenal ay ku guuleysan doonto Premier League haddii tababare Arsene Wenger uu wax ka barto xeelada macalinkii hore ee kooxda Tottenham Harry Redknapp.

Arsenal ma aysan ku guuleysan Premier League tan iyo 2003-04, waxaana Wenger saaran cadaadis kaga imaaanaya taageerayaasha Emirates Stadium.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe Arsenal Merson, oo sidoo kale ka hoos ciyaaray Redknapp waayihiisii Portsmouth, waxa uu sheegay in 70 jirkaan uu farsamo ahaan ka sareeyo dhiggiisa Faransiiska.

“Dadku waxay yiraahdaan Redknapp waa halyeey iibiyey noloshiisa, laakiin taas waa ixtiraam darro,” Merson ayaa u sheegay Sky Sports.

“Waa mid ka mid ah tababarayaaasha ugu fiican ee aan la shaqeeyay ayuu yiri Paul Merson oo hadda kamid ah fallanqeeyayaasha kubadda cagta.

Hadii Arsene Wenger adeegsan lahaa xarfadda Harry Redknapp, Arsenal waxay ku guuleysan laheyd horyaalka. ”

Arsenal ayaa ku jirta hadda kaalinta shanaad ee horyaalka Premier League, iyadoo lix dhibcood ka hooseysa kooxda hogaanka heysa ee Manchester City.

Kadib fasaxa ciyaaraha heerka caalami Kooxda Arsenal ayaa u safreysa Axada kulan katirsan Premier League kooxda Watford.

SHARE

Hal aragti

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan