Philippe Coutinho iyo Roberto Firmino oo ku soo laabtay tababarka kooxdooda Liverpool ay isugu diyaarinayso kulanka Man United + SAWIRRO

0
601

Labada ciyaaryahan ee reer Brazil Philippe Coutinho iyo Roberto Firmino ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdooda Liverpool ay isugu diyaarinayo kulanka Premier League ee ay la leeyihiin Manchester United.

Waxa ay labadooduba qeyb ka ahaayeen kulamadii xulkooda shanta goor ku guuleystay Koobka Adudunka ee Brazil uu ciyaarayey ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2018.

Coutinho ayaa ku soo bilowday labadii kulan ee isreeb-reebka koobka Adduunka oo uu xulkiisu la ciyaaray Bolivia iyo Chile.

Labadan laacib waxa ay ka qeyb qaateen kulankii Arbacadii uu xulkoodu 3-0 uga badiyey Chile, waxaana ay xaqiijiyeen inay kaalinta koowaad kaga soo baxeen kala sarreynta xulalka Koonfurta Ameerika.

Coutinho iyo Firmino ayaa hadda dib ugu soo laabtay xerada tababarka Melwood, iyadoo kooxdooda Liverpool ay isku diyaarinayo kulanka Sabtida ay Anfield ku soo dhaweynayaan Manchester United.

Liverpool ayaa haatan 7-dhibcood ka dambeysa kooxda Man United kaddib todobo kulan oo ay ciyaareen xilli ciyaareedkan cusub horyaalka Premier League.

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan