Pierre-Emerick Aubameyang: ‘Borussia Dortmund wey ku faraxsanaayeen inay iska key fasaxaan’

0
958

Weereryahanka Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sheegay in kooxdiisu ay doonaysay inuu ka tago inta badan suuqii kala iibsigaha xiddigaha ee dhawaa.

28-sano jirkaan ayaa ka caawiyey kooxdiisa inay shan dhibcood oo nadiif ah ka sarreyso naadiga xafidaynaysa horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich, isagoo 13 gool dhaliyey tartammada oo dhan illaa iyo hadda xilli ciyaareedkan.

Xiddiga xulka qaranka Gabon kaasoo ka mid ah liiska 30-ka ciyaaryahan ee u sharraxan abaal-marinta Ballon d’Or ayaa si weyn loola xiriirinayey inu ka tagi doono horyaalka Bundesliga xagaaga, laakiin waxa uu sheegay inuu isagu ku faraxsanaa kooxdiisa.

“Waxaan mar walba kalsooni badan ku dareemayey Dortmund, kooxdeyda BVB waxa ay doonaysay inay iska key fasaxdo taasi waa runta maanta.” ayuu Aubameyang u sheegay Wargeyska Bild ee ka soo baxa dalka Jarmalka.

Isagoo hadalkiisa sii daba dhigay: “BVB waa qoyskeyga!”.

Kooxda hoggaaminaysa horyaalka Jarmalka ayaa eegeysa inay sii wadato qaab ciyaareedka sare ee ay ku bilaabtay xilli ciyaareedkan cusub, marka ay Sabtida soo dhaweynayaan kooxda kaalinta afaraad fadhisa ee RB Leipzig.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan