RASMI: Anthony Martial oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga Bisha September ee kooxda Manchester United

0
562

Xiddiga kooxda kubadda cagta Manchester United ee Anthony Martial ayaa ku guuleystay abaal-marinta laacibka ugu fiicnaa bishii September kooxda Man UTD, taasoo ay codeeyaan taageerayaasha kooxda.

In ka badan 187,936 oo taageerayaasha kooxda ah ayaa codeyntan ka qeyb qaatay waxaana ku guuleystay Anthony Martial.

Laacibka xulka qaranka Faransiiska ayaa sameeyey bishii la soo dhaafay waxyaabo aan la iloobi karin, isagoo goolal dhaliyey, isla markaana caawiyey kuwo kale, isagoo waliba bedel ku soo galayey kulamada qaar.

Martial ayaa helay codad dhan 41%, waxaana kaalinta labaad soo galay Lukaku oo helay codad dhan 31%, Fellaini ayaa ku dhammaystay kaalinta saddexaad kaasoo helay 20% halka Rashford uu ka soo muuqday booska afaraad isagoo helay 8%.

Waa markii saddexaad oo uu 21-sano jirkaan ku guuleysto abaal-marinta xiddiga bisha, kaddib markii uu labo jeer ku kala guuleystay intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey bishii December 2015 iyo May 2016.

Dhinaca kale Antonio Valencia ayaa ku guuleystay abaal-marinta goolkii ugu fiicnaa bisha September ee kooxda Manchester United, waxaana uu ku qaatay goolkii uu ka dhaliyey Everton kulankii ka dhacay Old Trafford, kaasoo ahaa dhul ma dhacdo uu ka soo tuuray meel20 yaardi u jirta goolka.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan