RASMI: Kevin De Bruyne oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga Bisha September ee kooxda Man City

0
400

Xiddiga kooxda kubadda cagta Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa ku guuleystay abaal-marinta laacibka ugu fiicnaa bishii September kooxda Sky Blue, taasoo ay codeeyaan taageerayaasha kooxda.

Laacibka khadka dhexe ee xulka qaranka Belgium ee Kevin De Bruyne ayaa goolal ka kala dhaliyey kooxaha Shakhtar Donetsk iyo Chelsea, iyadoo ay taasi u wehliso caawinaad cajiib ah oo uu sameeyey intii lagu guda jiray bishaas.

Kevin De Bruyne ayaa abaal-marintan ku garaacay xiddigaha ay isku kooxda yihiin ee Sergio Aguero iyo goolhaye Ederson.

VIDEO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan