RASMI: Mohamed Salah oo ku wada guuleystay abaal-marinta xiddiga iyo goolka Bisha September ee kooxda Liverpool

0
601

Xiddiga kooxda kubadda cagta Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku guuleystay abaal-marinta laacibka ugu fiicnaa bishii September kooxda Reds, taasoo ay codeeyaan taageerayaasha kooxda.

Salah ayaa lagu abaal-mariyey bandhig cajiib ah oo ka sameeyey kooxdiisa Liverpool bishii la soo dhaafay.

Dhinaca kale Mohamed Salah ayaa ku guuleystay goolkii bisha September ugu fiicnaa kooxda Liverpool, waxaana uu ku qaatay goolkii madaxa ahaa ee uu ka dhaliyey kooxda Leicester City kulankii ay Reds ku adkaatay 3-2.

25-sano jirkaan ayaa xulkiisa qaranka Egypt uu soo saaray ka qeyb-galka koobka Adduunka sanadka soo socda markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1990-kii.

Haddaba Mohamed Salah oo helay codad dhan 41% ayaa abaal-marinta laacibka bisha September ee Liverpool ku garaacay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Philippe Coutinho oo helay codad dhan 23%.

“Waxaan rabaa inaan iraado aad iyo aad baad u mahadsantihiin taageerayaasha, anigu aad baan ugu faraxsanahay inaan ku guuleysto abaal-marintan” ayuu yiri Salah kaddib markii gacanta loo galiyey abaal-marinta xiddiga bisha Reds.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan