RASMI: Nacho Monreal oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga bisha September ee kooxda Arsenal… (Yuu ku guraacay?)

0
576

Taageerayaasha Arsenal ayaa u codeeyey abaal-marinta xiddiga ugu fiicanaa kooxda bishii September ee la soo dhaafay, waxaana ay u doorteen difaacooda Nacho Monreal.

In ka badan 20,000 oo ruux ayaa ka qeyb qaatay codbixinta xiddigaha ugu fiicnaa bishii September kooxda Arsenal, waxaana ku guuleystay Nacho Monreal.

Xiddiga xulka qaranka Spain ayaa ka mid ah ahaa saddexda difaac ee dambe isagoo ka caawiyey kooxdiisa inaan gool dhaga dhalin kulamadii ay la kala ciyaartay Bournemouth, Chelsea, West Brom iyo guushii 3-1 ay ka gaareen FC Cologne ee Europa League.

Nacho ayaa ku dhawaaday inuu helo kala bar codadkii la dhiibtay, waxaana uu helay codad dhan 45%, isagoo abaal-marintan ku garaacay laacibka bishii Agoosto ku guuleystay abaal-marintan ee Sead Kolasinac oo kaalinta labaad galay iyo Alexandre Lacazette oo soo ciriirsaday kaalinta saddexaad.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan