Real Madrid Oo Hal Mar Ku Dhawaaqeysa Saxiixda Saddexda Ciyaartooy Ee Paulo Dybala, David Alaba Iyo Dele Alli- Goormee Imaanaya ?

0
1845

Real Madrid ayaa qorsheyneysa inay xagaaga soo aadan iibsato seddex ciyaaryahan oo qaab ciyaareed wanaagsan ku heysta kooxahooda.

SunSport ayaa maanta warisay in kooxda heysata horyaalka La Liga ay xooga saari doonto saxiixa xiddiga koooxda Tottenham Dele Alli, iyo labada ciyaaryahan ee Paulo Dybala iyo David Alaba.

Alli ayaa qandaraaskiisa kooxda Tottenham waxa uu dhacayaa 2022, iyadoo gudoomiyaha kooxda Tottenham Daniel Levy uu cadeeyay inuusan iib aheyn xiddigiisa qiimo kasta oo loo keeno.

Laakiin, sida laga soo xigtay Don Balon, madaxweynaha Real Madrid Florentino Prez ayaa go’aansaday inuu soo xero geliyo magacyo Galactico ah xili ciyaareedka dambe.

Diario Gol ayaa dhankeeda sheegtay in Los Blancos ay aamisan yihiin in ay heli karaan saxiixa daafaca katirsan kooxda Bayern Munich ee David Alaba.

Iyadoo Cristiano Ronaldo da’diisu tahay 32 jir, madaxweynaha Real Madrid ayaa ku kalsoon in Dybala yahay shaqsiga kaliya ee bedeli kara laacibka Portugal.

Barcelona ayaa lala xiriirinayay weeraryahanka Argentina, laakiin uma badna in ay iibiso kooxdiisa Juventus xili ciyaareedka dambe.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan