WARBIXIN: Lionel Messi waa ciyaaryahanka inta ugu badan dheelay xiddigaha reer Yurub, haddaba goormee la nasinayaa?

0
2036

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa ah illaa iyo hadda ciyaaryahanka inta ugu badan dheelay xiddigaha reer Yurub oo dhan, sidaas oo ay tahay waxa uu u baahan yahay inuu nasto ee goormee nasiino ugu dhow Messi.

Kabtanka xulka Argentina ayaa habeen hore xulkiisa u soo saaray koobka Adduunka, kaddib saddexleey uu u saxiixay, halka kooxdiisa Barcelona ay hoggaanka u hayso horyaalka La Liga, xiddigan ayaana ku bilowday xilli ciyaareed aad u sarreeya oo u ahaa mid mashquul badan.

Lambarka 10-aad ayaa xilli ciyaareedkan dheelay1,350 daqiiqo, waana daqiiqad waliba kulamadii ay dheeleen xulkiisa iyo kooxdiisaba.

Waxa uu ciyaaray Messi labadii lugood ee Supercopa de Espana, todobada kulan ee horyaalka La Liga, labadii habeen ee Champions League-ga iyo afartii kulan ee isreeb-reebka Koobka Aduunka ee Koonfur America.

Taasi waxa ay ka dhigan tahay in uusan jirin ciyaaryahan reer Yurub ah oo dheelay daqiiqadahaas oo kale, waxaana ku dhawaan lahaa Dani Carvajal oo ciyaray 990-daqiiqo, ka hor inta aan xaalad Wadno loogu gudbin waxaada caafimaadka ee kooxda Real Madrid.

Inkastoo uu Messi 990-daqiiqo u dheelay kooxdiisa oo qura, haddana waxa uu sii dheereysan karaa daqiiqadahaas uu ciyaaray xilli ciyaareedkan, marka ay todobaadkan Blaugrana booqan doonto kooxda Atletico Madrid.

Tababare Ernesto Valverde ayaana laga filaynin in kulankaas weyn uu keydka galiyo Messi, waxaana taas sii dheer in Leo uu yahay kan koowaad ee aanba doonayn inuu nasto, waxaana uu jecel yahay inuu ciyaaro daqiiqad kasta.

Si kastaba ha ahaatee, mar uun Messi waa u baahnaan doonaa inuu nasto, ka hor kulanka La Ligaha Spain ee ay kooxdiisa Barcelona soo dhaweyn doonto Malaga marka ay taariikhdu tahay 21-ka bishan October.

Todobaadka ka horreeya kulanka ay la leeyihiin Malaga, kooxda Barcelona waxa ay la dheeli doontaa Muricia kulan ka tirsan Copa del Rey, waxaana warbaahinta Spain ay warinaysaa in kulankaas uu yahay kan la nasin doono Messi.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan