WARBIXIN: Sergio Aguero oo ka hadlay suuro-galnimada uu Lionel Messi ugu soo biiri karo Kooxdiisa Manchester City

0
1274

Sergio Aguero ayaa qiray in isku dayga lagu doonayo in lagula saxiixdo Lionel Messi ay ahaan doonto mid dhib badan, laakiin waxa uu carabka ku dhuftay inuu jeclaan lahaa in xiddiga ay ka wada tirsan yihiin xulka Argentina uu kula soo biiro Manchester City.

30-sano jirkaan ayaa kooxda Barcelona ka ah laacib aad looga qadariyo, waxaana uu kooxdaas ku sugnaa 13-kii sano ee ugu dambeeyey, laakiin wali wax heshiis cusub ah oo uu ku sii joogi doono garoonka Camp Nou lagama saxiixin.

Madaxweynaha Kooxda Barca ee Josep Maria Bartomeu ayaa marar badan ku cel-celiyey in heshiis cusbooneysiinta Messi ay wada gaareen, isla markaana kaliya loo baahan yahay in lagu dhawaaqo, laakiin weli wax xaqiijin ah lama samayn.

Inkastoo ay jiraan warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan mustaqbalka Messi, haddana Aguero uma maleynayo inay jirto rajo badan oo uu ka qabo inuu saaxiibkiisa ay isku xulka yihiin imaanayo garoonka Etihad, xitaa haddii ay kooxda Premier League lacag adeegsato.

““Lacagtu dhib kama aha halkaan,” ayuu Aguero u sheegay TyC Sport isagoo intaa ku daray: “Laakiin waxaan u malaynayaa in Messi, sida Cristiano Ronaldo ay yihiin ciyaaryahanno calaamado u ah kooxahooda oo adag tahay in ay tagaan”.

“Waan jeclaan lahaa in Leo aan kooxdeyda ku haysto, laakiin waxa ay u muuqataa mid aad u adag.”

Messi ayaa saddexleey ka dhaliyey Ecuador habeenkii Talaadada kulan ay ku badiyeen 3-1, taasoo xulkiisa Argentina ka saaciday iny au soo baxaan Koobka Adduunka 2018 ee lagu qabanayo dalka Ruushka.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan