Wax Walba Oo Aad Kaga Baahan Tahay Qaabka Loo Agaasimay Koobka Adduunka 2018ka, Tirada Garoomada & Saacadaha Ciyaaraha

0
2187

Koobka Adduunka ayaa Russia ka bilaabanaya 14ka Juun, iyadoo 32 xul oo waaweyn ay ku tartami doonaan.

15ka bisha July ayaa tartanka lagu soo gabagabeyn doonaa garoonka Luzhniki Stadium oo kamid ah garoomada ugu hormarsan dalka Russia ee sannadka dambe ciyaaraha koobka adduunka lagu qaban doono.

250 maalmood ayaa hadda ka harsan bilowga tartanka koobka adduunka, iyadoo warbixintaan aan kusoo gudbin doono wax walba oo aad kaga baahan tahay inaad ka ogaato tartanka ugu weyn kubada cagta adduunka.

Ka dib wareegii ugu dambeeyay ee isreebreebka Koobka Adduunka, Ruushka oo marti geliya ah ayaa ku biiraya 31 dal oo tartanka ka qeyb geli doonaa.

Ilaa hadda 23 dal aya loo xaqiijiyay booskooda ka qeyb galka koobka adduunka, halka sagaal kale kulmo Play Off ah ay kusoo bixi doonaan.

England, Germany, Belgium, Iceland, Poland, Serbia, Spain, France iyo Portugal ayaa ah wadamada Yurub ee tartanka usoo baxay, halka siddeeda xul kale ee ciyaaraya kulamada Play Off laga doonayo afar xul oo kaliya.

Xulka Shan jeer ku guuleysatay Koobka Adduunka ee Brazil ayaa ku soo baxay wareega isreebreebka Koobka Adduunka, iyagoo xulka Koonfurta America ku wehliya Uruguay, Colombia iyo Argentina.

Xulka qaranka Peru ayaa kulan Play Off ah waxay kula ciyaarayaan xulka Ocean-ka ka socda ee New Zealand.

Wadamada Costa Rica, Masar, Iran, Japan, Mexico, Nigeria, Saudi Arabia, South Korea iyo Panama ayaa xaqiijiyey booskooda Koobka Aduunka iyadoo kulamo dheeri ah ay u harsan yihiin qaaradahooda.

Australia iyo Honduras ayaa sidoo kale ku tartami doona kulan isreebreeb laba lugood ah oo dhacaya inta u dhaxeeysa 9ka iyo 14ka Novembar.

Northern Ireland, Republic of Ireland, Sweden, Greece, Italy, Danmark, Croatia iyo Switzerland waa siddeed xul oo Yurub ah oo laga doonayo afar xul oo kaliya.

Afarta jeer xulka ku guuleysatey koobka adduunka ee Talyaaniga ayaa halis geliyay booskiisa koobka adduunka, halka Argentina iyo Portugal ay kusoo baxeen kulamadii ugu dambeeyay.

Wadamada waaweyn ee seegay koobka adduunka ayaa kala ah Chile, Wales, Netherlands, Austria, Cameroon, Ghana, Turkiga iyo Mareykanka.

Muddo bil gudaheed 32 xul ayaa ku ciyaari doonaa kulamada wareega Group-yada wareega 16ka, quarter-finalka iyo semi-finalka.

12 garoonka ayaa lagu marti gelin doonaa ciyaaraha oo dhaci dooonaa saacadaha kala ah 3Galabnimo, 6maqribnimo iyo 9ka Fiidnimo.

Wadamada ugu cadcad tartankaaan in ay ku guuleystaan ayaa waxaa kamid ah saddexdii xul ee ugu dambeeyay ku guuleysiga tartankaan ee Jarmalka, France iyo Brazil.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan