Xatooyo: waxaa lasoo bandhigay si xatooyo xidiga iyo macalinka EPL ugu wanaagsanaa bishii September!

0
2326

 

Guuleestaha cayaaryahanka, macalinka iyo goolkii ugu wanaagsanaa bishii September horyaalka Ingiriiska oo aan weli lagu dhawaaqin ayaa si xatooyo ah loo soo bandhigay.

Xogtaan waji gabaxa dhalisay waxa lagu cadeeyay in Harry Kane ku guuleestay laacibka EPL ugu wanaagsan bishii September halka Pep Guardiola macalinka ugu wanaagsan loo doortay sidoo kalena goolka ugu wanaagsan waxaa la siiyay Antonio Valencia.

Kane wuxuu abaal marintaan ku garaacay Lukaku iyo Morata waxaana lasoo xaday lana soo bandhigay Harry Kane oo abaal marinta bilaha ku xardhan.

Dhinaca kale xidiga dhalinta yar Harry Wilson kana tirsan Liverpool ayaa ku guuleestay laacibka ugu wanaagsan Premier League 23-jirada d’adooda ka hooseyso loo dhigo cayaaryahankii ugu wanaagsanaa bishii September.

Xogtaan lasoo xaday waxay u badan tahay berito oo Jimco ah inay noqon doonto mida rasmiga ah ee FA-ga Ingiriiska ku dhawaaqi doonaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan