DEG DEG: Tababaraha ku guuleystay abaal-marinta macallinka bisha September ee Premier League oo la shaaciyey

0
2926

Tababare Pep Guardiola ayaa ku guuleysatay abaal-marinta macallinka bisha, kaddib rikoorkiisii heerka sare ahaa ee uu ka sameeyey kooxda Manchester City bishii la soo dhaafay ee September.

Kooxda Pep Guardiola ayaa guul gaartay dhammaan afartii kulan ee ay la kala ciyaartay kooxaha Liverpool, Watford, Crystal Palace iyo Chelsea, iyagoo dhaliyey 17 gool mudadaas, isla markaana aan wax gool ah laga dhalin.

Macallinka reer Spain ayaa helay codadkii ugu badnaa ee loo qaaday isaga iyo tababarayaashii la tartamayey.

Waxa uu Pep Guardiola abaal-marintan ku garaacay macallimiintii la sharraxnaa ee Jose Mourinho, Mauricio Pochettino iyo Arsene Wenger, waana markii labaad ee uu abaal-marintan ku guuleysto tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Guardiola iyo kooxdiisa Man City ayaa kulankooda ku soo aaddan horyaalka Premier League waxa ay marti geli doonaan berri galab oo sabti ah naadiga Stoke City.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan