Sergio Aguero oo ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda Manchester City.. + SAWIRRO

0
678

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Manchester City ee Sergio Aguero ayaa dhammaystay tababarka buuxa ee kooxdiisa markii ugu horreysay tan iyo markii uu shil baabuur ku dhaawacmay bishii la soo dhaafay.

Xiddiga xulka qaranka Argentina ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawirada isoo ku guda jira tababarka kooxdiisa Man City, isla markaana waxa uu caddeeyey inuu diyaar yahay kaddib labo todobaad oo uu garoomada ka maqnaa.

Aguero, kaasoo la dhibtoonayey jab ka soo gaaray feeraha ayaan xaqiijin haddii uu ka qeyb qaadan doono iyo haddii kale kulanta ku soo wajahan Premier League oo ay kooxdiisu la dheeli doonto berri naadiga Stoke City.

29-sano jirkaan ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay tababarka isbuucaan, waxaana la filayaa in la qiimeeyo ka hor inta aan loo soo bandhigin inuu ka qeyb qaadan karo kulanka Potters.

Weeraryahankan reer Argentine ayaa dhaliyey 6 gool kulamadii uu saftay horyaalka Premier League, taasoo kooxda macallin Pep Guardiola ka caawisay inay hoggaanka u hayaan horyaalka EPL, iyagoo farqiga goolasha kaga sarreeya kooxda ay xafiiltamaan ee Man United.

SAWIRRO:

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan