Sida ay noqon karto shaxda kooxda Manchester United ay berri kala hortayso Liverpool kulanka Premier League

0
2527

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa tijaabo adag berri oo Sabti ah ku mari doonta garoonka Anfield, halkaasoo ay kula soo ciyaari doonto naadiga Liverpool.

Naadiga ku dheesha garoonka Old Trafford ayaa doonaysa inay sii joogteyso natiijooyinkeeda heerka sare ah oo ay ku bilaabtay xilli ciyaareedkan cusub, inkastoo ay dhaawacyo ku weynayso qaar ka mid ah xiddigaheeda.

Man United waxaa dhaawac cusub ka ah Maroune Fellaini, halka sidoo kalena ay dhaawacyo dheer kaga maqan Paul Pogba, Zlatan Ibrahimovic iyo Marcos Rojo.

Laakiin kooxda Jose Mourinho ayaa la warinayaa inay dib u heli doonto kulankan difaaceeda reer England ee Phil Jones, kaasoo isna dhaawac la maqnaa.

Haddaba shabakadda ciyaaraha ka faalloota ee Goal.com ayaa shaacisay sida ay u muuqan karto shaxda kooxda Man United ay kala hortayso berri naadiga Liverpool ee halkaan hoose ka eeg:-

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan