Man City Oo Xasuuqday Stoke City Hogaankana Horyaalka EPL Xilli Chelsea Afka Ciidda Loo Daray (Daawo Goosgoosyada Ciyaarahaas)

0
2067

Manchester City, oo joogta garoonkeeda Etihad Stadium ayaa jajabsatay kooxda Stoke City, iyadoo 7-2 uga adkaatay kooxda Potters. Waxaana xusid mudan inay afar gool iska dhaliyeen labada kooxood qeybtii hore ee ciyaartaan.

Gabriel Jesus ayaa daqiiqadii 17aad hogaanka u dhiibay kooxda tababare Pep Guardiola, isagoo caawinaad ka helay daafaca u dhashay dalka England Kyle Walker. Daqiiqadii 19aad, Man City ayaa markale shabaqa soo taabatay waxaana markaan goolkeeda labaad u dhaliyey weeraryahanka reer England Raheem Sterling, oo uu si wanaagsan ula shaqeeyey Leory Sane.

Xiddiga reer Germany Sane ayaa goolka seddaxaad ee Man City si farsameysan u dhaliyey daqiiqadii 27aad, waxaana xusid mudan in dhammaan goolashaas seddaxda ah ee Man City ay ku yimaadeen shaqo wanaagsan oo kooxda oo dhan ay isla soo qabatay.

Dhammaadkii qeybtii hore ee kulankaan, Mame Biram Diouf ayaa shabaqa usoo taabtay kooxda Stoke, iyadoo Jese Rodriguez uu caawiye ka ahaa goolkaas. Natiijada oo 3-1 ah ayaana la kala nastay qeybtii koowaad.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad, daafaca Man City Kyle Walker ayaa gool iska dhaliyey taasoo rajo gelisay kooxda martida aheyd.

Laakiin Man City ayaa ku jawaabtay inay afar gool dhaliso qeybtii labaad, Gabriel Jesus ayaa goolkeeda afaraad dhaliyey daqiiqadii 55aad, waxaana caawiye ka ahaa Kevin de Bruyne – ka dibna Fernandinho ayaa kubad gantaal aheyd goolka shanaad ugu dhaliyey Sky Blues.

Leroy Sane ayaa laba daqiiqo ka dib daqiiqadii 62aad caawinaad ka helay Kevin de Bruyne sidaasna ku dhaliyey goolka lixaad ee kooxdiisa – ka dibna Bernardo Silva oo caawinaad ka helay Raheem Sterling ayaa goolka todobaad u dhaliyey kooxda hawada ku soconeysa ee Man City.

Taasoo haatan hogaanka horyaalka England Premier League kali ku noqotay ka dib markii ay kala wareegtay Manchester United, waxayna Man City leedahay 22 dhibcood, halka Man United ay leedahay 20 dhibcood.

Dhanka kale, difaacdeyaasha horyaalka England Premier League ee Chelsea ayaa guuldarro 2-1 ah kala kulmay kooxda Crystal Palace, ciyaar ka dhacday garoonka Selhurst Park. Waxaana xusid mudan in Chelsea laba kulan oo xiriir ah laga adkaaday horyaalka EPL markii ugu horreysay tan iyo markii loo dhiibay tababare Antonio Conte.

Crystal Palace ayaa dhalisay labadeedii gool ee ugu horreeyey xilli ciyaareedkaan horyaalka EPL, halka sidoo kale ay gaartay guusheedii ugu horreysay ee xilli ciyaareedkaan.

Goolka hore ee ciyaarta waxaa iska dhaliyey daafaca Chelsea Cesar Azpilicueta, ka dibse Chelsea ayaa heshay goolkeeda barbardhaca kaasoo uu u dhaliyey Tiemoue Bakayoko daqiiqadii 18aad. Laakiin Wilfried Zaha ayaa goolka guusha u dhaliyey daqiiqadii 45aad.

Chelsea ayaa haatan ku jirta kaalinta 4aad iyadoo leh 13 dhibcood.

Maнчecтep Cити – Cтoк Cити 7:2 от ФУТБОЛЬНЫЕ ОБЗОРЫ на Rutube.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan