Miyey Chelsea dalab ka gudbisay xiddiga AS Roma Radja Nainggolan? Jawaab cad ayaa loo helay

0
731

Tababare Antonio Conte ayaa wuxuu xaqiijiyey inay kooxdiisa Chelsea dalab ka gudbisay xiddiga qadka dhexe ee kooxda AS Roma Radja Nainggolan.

Si kastaba ha ahaatee, Conte wuxuu tilmaamay in aysan aheyn wax habboon inuu ka hadlo arrimo ku saabsan ciyaaryahan u ciyaara koox kale.

Blues ayaa si xoogan loola xiriirshay saxiixa Radja Nainggolan xagaagii 2016kii, laakiin ugu dambeyntii waa ay ku guuldarreysatay saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium kaasoo kusii nagaaday kooxda Giallorossi.

Conte wuxuu saxaafadda u sheegay maanta ka hor kulanka Arbacada dhexmari doona Chelsea iyo AS Roma: “Ma ahan wax habboon inaan ka hadlo ciyaartooy u ciyaara kooxo kale.

“Waase sax inaan isku daynay inaan lasoo saxiixanno Nainggolan, balse geesta kale markaan ka eego Nainggolan haatan waa ciyaaryahan AS Roma ah, kooxdaan ixtiraam badan ayaan u hayaa, sidoo kale waxaa jooga ciyaartooy aan ixtiraam badan u hayo”.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan