Tababare Eusebio Di Francesco oo soo saaray liiska ciyaartoydiisa AS Roma ee uu usoo xushay kulanka Chelsea

0
340

Tababare Eusebio Di Francesco ayaa magacaabay liiskiisa ciyaartoyda AS Roma ee uu usoo xushay kulanka ay Chelsea ku wajahayaan koobka UEFA Champions League habeen dambe oo Arbaco ah.

Liiska Giallorossi waxaa ku jira Stephan El Shaarawy oo dhaawac kasoo laabtay, si la mid ah Kevin Strootman oo dhaawac kasoo laabtay ciyaartii Sabtidii ay guuldarrada 1-0 ah kala kulmeen kooxda Napoli.

Laakiin Kostas Manolas ayaa dhaawac ku seegi doona ciyaartaan, si la mid ah Patrik Schick, Gregoire Defrel iyo Emerson Palmieri. Sidoo kale Roma waxaa ka maqnaan doona Rick Karsdorp kaasoo aan weli u safan kulankiisii koowaad maadaama qalliin jilibka looga sameeyey.

LIISKA CIYAARTOYDA ROMA EE LOO SOO XUSHAY CIYAARTA AY WAJAHAYAAN CHELSEA: Alisson, Skorupski, Juan Jesus, Kolarov, Moreno, Fazio, Bruno Peres, Karsdorp; Nainggolan, Strootman, Pellegrini, De Rossi, Gonalons, Florenzi, Gerson; Perotti, Dzeko, Under, El Shaarawy

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan