HORDHACA GROUP C: Chelsea VS Roma, Qarabag VS Atletico Madrid- N’Golo Kante Oo Soo Laaban Kara & Morata Oo Maqan

0
848

Chelsea iyo Roma ayaa caawa isku wajihi doona kulan katirsan Champions League, iyadoo labadoodaba guul darreysateen kulamadii horyaaladooda ee isbuucaan.

Blues ayaa qasaaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Crystal Palace, halka kooxda Roma qasaaro kala kulmeen Napoli.

OGEYSIISKA CIYAAARTA

Garoonka: Stamford Bridge

Saacada: 9:45 PM

MAXAA CUSUB?

Conte ayaa sheegay in guuldaradii ka soo gaartay Palace aysan adkeyn kulanka ay caawa wajahayaan kooxda Roma.

Danny Drinkwater iyo N’Golo Kante ayaa soo laaban kara, halka weeraryahanka Alvaro Morata uu weli la dagaalamayo dhibaato muruqa ah.

Si kastaba ha noqotee arinta ugu xun ee kooxda martida loo yahay ayaa ah maqnaanshaha Victor Moses oo la dhibtoonaya dhaawac muruqa ah.

Tababaraha Chelsea ayaa shaxdiisa u adeegsan kara caawa Davide Zappacosta oo aad u garanaya Horyaalka Serie A.

Marka laga hadlayo kooxda martida ah, ayaa qabta dhaawacyo kooban, iyadoo Manolas garoonka dhaawac looga saaray kulankii Napoli.

Patrik Schick, Gregoire Defrel, Emerson Palmieri, Kevin Strootman iyo Stephan El Shaarawy ayaa sidookale dhamaan kujira liiska ciyaartoyda shakiga uu ku jiro.

Labada nin ee fursada u heysta inay kusoo laabtaan kooxda Roma ayaa ah Strootman iyo Radja Nainggolan ka hor kulanka ay soo dhaweynayaan kooxda Chelsea.

XAQIIIQADA KULANKA

Natiijada sawirka Chelsea vs  Roma

Labada kooxood ayaa la kulmay afar jeer oo hore tartamada Yurub, waxaana ugu dambeeyay kulankii wareega group-yada ee xili ciyaareedkii 2008-09.

Blues ayaa 3-1 ku badisay garoonka Stadio Olimpico, iyadoo John Terry uu dhaliyay labo gool.

Inkastoo Giallorossi ay badisay kaliya labo kulan oo ka mid ah 15 kulan oo ay marti u ahaayeen kooxaha England, haddana Chelsea ayaa laga badiyay labo ka mid ah sagaal kulan oo ay ka hortimid kooxda Talyaaniga.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Chelsea: Courtois; Cahill, Luiz, Azpilicueta; Zappacosta, Fabregas, Bakayoko, Alonso; Pedro, Hazard, Morata

Roma:Alisson; Bruno Peres, Juan Jesus, Fazio, Kolarov; De Rossi, Strootman, Nainggolan; Florenzi, Perotti, Dzeko.

Dhinaca kale Qarabag iyo Atletico Madrid ayaa isku wajihi doona isla group-kaan caawa, iyadoo labada koox xaalad kala duwan ay kujiraan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan