5-arimood laga bartay kulamadii Championls League Talaado iyo Arbaco la cayaaray

0
1606

 

Waxaa haatan la taagan yahay kala barka koobka horyaalada Yurub heerkiisa Guruubyada madaama naadi walbo sedex kulan cayaartay.

Sidaa darteed waxaan idiin heynaa 5-arimood oo laga bartay kulankii Champion-ka ee la cayaaray Talaado iyo Arbaco kuwaas oo ahaa kulamadii 3-aad heerka guruubyada tartankaan:

1. PSG Waxay Heesataa Sedexdleyda Weerarka Ugu Halista Badan: Cid iska celin karto malahan Edinson Cavani, Neymar Jr., Kylian Mbappe waxayna wadar ahaan dhaliyeen 9-gool sedexda kulan ee PSG cayaartay ayadoo sidoo kale kooxdan leh 9-dhibcood.

2. Atletico Madrid Waa Sii Dhiman Rabtaa: Qof aamini karo malahan kooxda Diego Semione ee xili cayaareedkii hore Semi Final gaartay inay haatan qarka u saaran yihiin ku harista heerka Guruubyada Champion-ka. Atletico labo dhibcood ayay leedahay sedexda kulan oo ay cayaartay waxaana ka sareeyaan Chelsea iyo Roma.

3. Man City Xili Cayaareedkan Wax Walbo Ka Filo: Guardiola kooxdiisa waa naadi u diyaarsan inay qaybaha ugu dambeeyo Champion-ka xili cayaareedkan soo gaaraan, waana koox weerarkeeda halis yahay iskuna dheeli tiran, sanadkaan armuu noqdaa sanadkii Man City!

4. Borussia Dortmund Xaalkooda Ma Wanaagano: Kooxda Jarmalka ah hami weyn ayaa laga qabay inay xili cayaareedkan wacdaro sameyn karaan balse si la yaab leh xili hore ayay iska hari rabaan madaama ay 6-dhibcood ka hooseyaan Real Madrid iyo Spurs oo Guruub H isla hogaaminayaan.

5. Monaco Cayaartooydii Ay Iska Iibisay Wey U Darsatay: Monaco iyada ayaa is eedeyso madaama xidigaheedii muhiimka ahaa xagaagii dhawaa ay iska iibisay sidaa darteed kooxdii Semi Final xili cayaareedkii hore soo gaartay hada xili hore ayay baska ka hari rabaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan