Jurgen Klopp oo u dhaqaaqay soo qaadashada xidigii Coutinho badali lahaa

0
883

 

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa u dhaqaaqay soo qaadashada xidigii Phillippe Coutinho u badali lahaa.

Transfermarketweb ayaa qortay in Liverpool wada hadalo la furtay Julian Drexler iyo wakiilkiisa waxayna kala hadleen qaabkii xidigaan Anfeild ku imaan lahaa bisha Janaayo.

Drexler diyaar ayuu u yahay inuu dalabka Klopp aqbalo madaama xidigaan PSG ku dhiban yahay asigoo boos joogto ah ka heysanin.

Drexler oo 24-jir ah wuxuu cadaadis kaga imaanayaa tababaraha xulka Jarmalka Joachim Low oo u sheegay inuu booskiisa lumin doono hadii PSG uu sii joogo ayadoo xagaaga dambe koobka aduunka Jarmalka ka qayb galayaan.

Liverpool masii ceshan karto Coutinho oo dib u bilaabay rabitaankiisa ku aadan inuu Barcelona u dhaqaaqo bisha Janaayo.

Sidaa darteed macalin Klopp ma doonayo kooxdiisa inay markale waqti ku lumiso qancinta Coutinho oo aan niyad heynin jooitaanka Anfield.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan