Muxuu ahaa kaftankii madaxweyne Florentino Perez uu ku tuuray Dani Alves xafladii FIFA

0
2735

 

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa ka qayb galay xafladii FIFA Best ee magaalada London ka dhacday.

Masuulkaan ayaa farxada la qeebsaday xidigaha Real Madrid ee biladaha kala duwan aruursadeen haba ugu horeeyaan Cristiano Ronaldo iyo macalin Zidane.

Gudoomiye Florentino Perez ayaa sheegay inuu la kaftamay Dani Alves oo garabka midig kaga cayaaro PSG kana mid ahaa xalay kooxdii 11-ka cayaaryahan FIFA u dooratay naadiga aduunka.

Florentino Perez oo la hadlay Four Four Two wuxuu yiri “Alves waxaan kula kulmay hoolka marwalbana waa saaxiib aan isla sheekeesano”

“Kaftan yar ayaa na dhex maray, waxaana ku dhahay inay fiicnayed Madrid u cayaaro asigana wuxuu iigu jawaabin ha isoo wicin aan kooxdeyda nabad ugu cayaaro”

Dabcan kaftan xiiso badan ayaa dhex maray Florentino Perez iyo Dani Alves xafladii London ka dhacday waxaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu wanaagsanaa ee dhawaanahan FIFA soo agaasintay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan