RASMI: Liiska kooxaha xaqiijiyay wareegga 32-ka, kuwa rajada leh iyo kooxaha isaga haray tartanka Europa League oo la shaaciyay

0
2241

Shan kooxood ayaa xalay xaqiijiyey inay u soo gudbeen wareegga 16-ka tartanka Europa League.

Kooxda Dynamo Kyiv, FCSB, Arsenal, Zenit iyo Lazio ayaa ah shanta kooxood ee u soo gudbay wareegga 16-ka tartanka Europa League.

Kooxda reer Ukraine ee Dynamo Kyiv ayaa xaqiijisatay booskeeda wareegga 32-da kaddib markii ay 1-0 kaga badiyeen kooxda Young Boys oo ay marti u ahaayeen.

Kooxda reer ee Arsenal ayaa barbaro goolal la’aan ah xalay la gashay kooxda Red Star Belgrade, balse waxa ay dhibicdaas u xaqiijisay inay u soo gudbeen wareegga xiga iyadoo labo kulan ay u harsan tahay.

Inkastoo kooxda Ruushka ka dhisan ee Zenit ay barbaro 1-1 la soo gashay Rosenborg kulankoodii Group L ee xalay, haddana waxa ay xaqiijiteen u soo biixtaankooda wareegga 32-da, halka kooxda Lazio ay ka soo baxday Group K kaddib markii ay 1-0 kaga badiyeen kooxda Nice.

Dhinaca kale Kooxda AC Milan ayaa seegtay fursaddeeda u soo bixitaanka wareegga 32-da, halka naadiga reer England ee Everton ay isaga hartay tartanka Europa League.

Naadiga reer Talyaani ee AC Milan ayaa dib loo dhigay u soo bixintaankoodii wareegga xiddiga ee Guruubka D, kaddib markii ay barbaro goolal la’aan ah la dhaafi waayeen naadiga AEK Athens.

Geesta kale waxaa sii socota musiibada kooxda aan tababaraha lahayn ee Everton kuwaasoo tartanka isaga haray.

Everton waxa ay guuldarro 3-0 ka soo gaartay nkooxda Lyon kulan ka tirsanaa Guruubka E, taasoo ka dhigtay inay gabi ahaanba isaga haraan tartanka Europa League ee xilli ciyaareedkan.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan