Roma Derby: Diego Perotti iyo Nainggolan oo Roma guul muhiim ah ka siiyeen Lazio

0
455

 

Kulankii weynaa Roma Derby waxaa guul muhiim ah gaartay kooxda AS Roma oo 2-1 kaga badisay dariskeeda SS Lazio.

Kulankaan qaybtii hore waxba la iska qaadi waayay waxaa qaybtii labaad cayaarta oo sedex daqiiqo socoto Roma hogaanka u dhiibay Diego Perotti oo gool u badalay rigoore loo dhigay.

Radja Nainggolan ayaa Roma usii dheereeyay hogaanka kadib markii 2-0 uu cayaarta ka dhigay daqiiqadii 53-aad waxaana caawinaad goolkaan ka geestay Perotti.

Kulankaan xamaasadiida aadka u sareesay Lazio waxaa cayaarta kusoo celiyay weeraryahankeeda Ciro Immobile oo 2-1 ka dhigay daqiiqadii 72-aad asigoo rigoore gool u badalay.

Roma ayaa 2-1 guusha ku qaadatay kulankii Derbiga aha ayadoo taageerayaasha Olympico Stadium ku sugnaayeen ayay Roman-ka u badnaayeen madaama Lazio marti ahaan mataleesay.

Roma guusha ay gaartay waxay kaga dhigan tahay inay ka sare mareen kooxda ay deriska yihiin ayagoo haatan leh 30-dhibcood sidoo kalena kulan weli baaqi u yahay waxayna ku dhibco yihiin Inter Milan.

Kooxda Lazio guuldarada ku dhacday ayaa kaga dhigay inay kaalinta 5-aad u dhaceen waxayna leeyihiin 28-dhibcood sidoo kalena afar dhibcood waxay ka hooseeyaan naadiga Napoli.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan