Napoli oo hogaanka Serie A-da kali ku ah kadib markii ay Milan garaaceen

0
676

 

Kooxda Napoli ayaa sii dheereesatay dhibcaha ay hogaanka Serie A-da Talyaaniga ku hayaan kadib markii 2-1 ay guusha kaga qaateen naadiga AC Milan.

Kulankaan garoonka Sao Paulo ka dhacay Lorenzo Insigne ayaa Napoli hogaanka u dhiibay daqiiqadii 33-aad waxaana caawinaad ka geestay Jorginho.

Kooxda Milan oo dadaal ku jirto waxaa niyada ka jebiyay cayaaryahan Piotr Zielinsk oo kulankaan 2-0 ka dhigay daqiiqadii 73-aad.

AC Milan ma niyad jabin waxay sii wateen dadaalkooda sidaa darteed daqiiqadii 90-aad waxaa gool u dhaliyay Milan Alessio Romagnoli.

Cayaarta ayaa kusoo idlaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday naadida Napoli waxay haatan Napoli leedahay 35-dhibcood 13-kulan ay cayaarta Serie A-da ayagoo afar dhibcood ka sareeyaan kooxda Juve oo kulan baaqi u yahay.

AC Milan guuldarada ku dhacday waxay dhaxal siisay inay booska 7-aad fadhiyaan ayagoo leh 19-dhibcood 13-kulan ay cayaareen waxayna ka hooseeyaan kooxda Napoli oo hogaanka heyso 16-dhibcood!

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan