Sideedda xiddig ee u sharrax Abaal-marinta laacibkii ugu fiicnaa kulamadii shanaad ee Champions League oo la shaaciyey

0
1519

Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey sideedda ciyaaryahan ee ugu sarraxan abaal-marinta laacibkii ugu fiicnaa kulamadii shanaad ee la ciyaaray Champions League, waxaana hoggaaminaya liiskan Crisitano Ronaldo, Eden Hazard Iyo Neymar Jr.

Waxaa jiray ciyaaryahanno badan oo bandhig cajiib ah ka sameeyey kulamadii shanaad ee Champions League oo la ciyaaray Talaadadii iyo Arbacadii, laakiin UEFA ayaa soo xulatay 8 ciyaaryahan oo kaliya.

Neymar Jr oo wacado dhigay kulankii ay kooxdiisa PSG 7-1 ku xasuuqday naadiga Celtic ayaa hoggaaminaya liiska musharraxiintan, iyadoo xiddiga reer Brazil uu dhaliyey labo gool islamarkaana caawiyey gool kale.

Cristiano Ronaldo oo isna labo gool dhaliyey todobaadkan Champions League, isla markaana gool kale caawiyey kulankii Real Madrid ay guusha lixda gool ah ka gaartay APOEl ayaa sidoo kale ka mid ah musharraxiinta.

Laacibka kooxda Chelsea ee Eden Hazard oo hal gool dhaliyey mid kale caawiyey kulankii ay ka adkaadeen Qarabag ayaa isna liiskan ku soo baxay, balse waxaa musharraxiintan laga waayey oo aan lagu soo darin Karim Benzema oo labo gool dhaliyey isla markaana gool caawin sameeyey kulankii APOEl si la mid ah laacibka Liverpool ee Roberto Firmino oo kulankii Sevilla laba gool ka dhaliyay.

Waxaa liiska musharraxiintan dhammaystiraya Timo Werner oo ka tirsan kooxda RB Leipzig, Harry Kane – Tottenham, Robert Lewandowski – Bayern Munich ,  Carrasco – Atletico Madrid  iyo Lorenzo Insigne – Napoli oo dhammaantood bandhig cajiib ah ka sameeyey kulamadii shanaad ee UCL.

Hoos ka eeg siddeedda ciyaaryahan ee sharaxan iyo waxqabadkii ay sameeyeen kulamadii shanaad ee Champions League:-

1- Neymar Jr- PSG (2 gool iyo 1 gool caawin)

2- Lewandowski- Bayern Munich  (1 gool iyo bandhig guud)

3- Carrasco- Atletico Madrid  (bandhig guud)

4- Eden Hazard- Chelsea  (1 gool iyo 1 gool caawin)

5- Cristiano Ronaldo- Real Madrid  (2 gool iyo 1 gool caawin)

6- Timo Werner- RB Leipzig  (2 gool)

7- Harry Kane- Tottenham  (1 gool iyo bandhig guud)

8- Lorenzo Insigne- Napoli  (1 gool iyo bandhig guud).

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan