Serie Roundup: Jorgino oo Napoli hogaanka usoo celiyay halka De Rossi Roma sedex dhibcood u aqoonsaday

0
483

 

Kulamadii galabta laga cayaaray Serie A-da Talyaaniga waxaa kasoo baxeen natiijooyin lama filaan ah kadib markii Milan iyo Roma lagu dhagay halka Napoli hogaanka dib ugu soo laabatay.

Udinese 0-1 Napoli: Cayaaryahan Jorginho ayaa Napoli hogaanka Serie A-da usoo celiyay kadib markii daqiiqadii 32-aad gool dhaliyay nasiib wanaag rigooradii loo dhigay marka laga celiyay ayuu gool u badalay kubadii usoo laabatay.

Genoa 1-1 Roma: ruug cadaa De Rossi ayaa kulankaan waashay madaama Roma uu qasaaro cad dhexda ka galiyay, Stephan El Shaarawy ayaa Roma hogaanka u dhiibay balse Der Rossi ayaa rigoore keenay casaanka la siiyay wuxuuna ruug cadaagan kooxdiisa dhaaf siiyay sedex dhibcood oo qaali ah.

Milan 0-0 Torino: labada goolhaye Salvatore Sirigu and Gianluigi Donnarumma ayaa bandhig heer sare ah muujiyeen kulankan San Serio ka dhacay madaama ay fursado badan goolal loo filanaayay bad baadiyeen.

Milan niyad jab ayay ka qaaday kulankaan madaama cayaar loo filanaayay inay sedex dhibcood heli karaan markale ay kufeen.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan