Liverpool oo bedelka Emre Can ka keeneysa horyaalka Serie A, waase kuma xiddigaan la qorsheynayo inuu ka garab ciyaaro Naby Keita?

0
713

Liverpool ayaa kula soo biirtay kooxda Manchester City loolanka loogu jiro saxiixa kubadsameeyaha kooxda Lazio Sergej Milinkovic-Savic.

Tababaraha kooxda Reds Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa inuu xiddiga dhallinyarada ah ee reer Serbia u arko bedelka Emre Can, oo qarka u saaran inuu ku biiro Juventus.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka kooxda Lazio ayaan dooneyn inay iibiyaan Sergej Milinkovic-Savic, oo qandaraaskiisa lagu burburin karo 62.3 milyan oo ginni.

Warbaahinta Talyaaniga ayaase sheegeysa inay Liverpool hogaamineyso loolanka loogu jiro saxiixa Sergej Milinkovic-Savic, kaasoo ay dooneyso inay qadkeeda dhexe kula lammaaniso Naby Keita oo kusoo biiri doona Anfield Road xagaaga soo aadan.

Milinkovic-Savic waxaa wakiil u ah Mateja Kezman oo horay ugu soo ciyaaray kooxda Chelsea, wuxuuna daaha ka qaaday inay xiddiga Lazio xiiso u qabaan kooxo ka dhisan Spain, England iyo Italy.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan