Juve oo guul kusoo gaartay garoonka Napoli kulan Higuain go’aamiyay

0
1135

Kooxda Juventus ayaa 1-0 gusha kaga qaadatay naadiga Napoli cayaar garoonka Sao Paulo ka dhacday sidoo kalena ahayd mida ugu adag todobaadkan kulamada Serie A-da.

Gonzalo Higuain ayaa kulankan go’aamiyay kadib markii daqiiqadii 13-aad uu kooxdiisii hore ku ciqaabay kubad uu caawinaad ka geestay Paulo Dybala.

Inkastoo Napoli weerar badan sameeneyso haba ugu dhib badnaado Inzigne hadana garoonkeeda ayaa lagu quusiyay madaama Juve daafaceeda la moodi waayay.

Juve guusha ay gaartay waxay ka dhigan tahay haatan leedahay 37-dhibcood 15-kulan ay cayaartay waxayna hal dhibci ka hooseysaa Napoli oo 38-dhibcood leh waxaana ku dhacday guuldaradii ugu horeesay.

Inter Milan ayaa heesato fursad ay si toos ah hogaanka Serie A-da ula wareegi karto hadii ay guuleesato kulanka ay Axada la cayaareyso Chievo Verona waxayna haatan Inter leeyihiin 36-dhibcood ayadoo 14-kulan cayaareen.

Dhinaca kale kooxda Roma ayaa iyadana 3-1 guusha kaga qaadatay naadiga SPAL 2013 kulan caasimada Talyaaniga ka dhacay.

Kooxda Roma guusha guusha muhiimka ah waxaa siiyen Edin Dzeko, Kevin Strootman iyo Lorenzo Pellegrini oo min gool dhaliyeen.

Roma guusha ay gaartay waxay ka dhigtay inay leedahay 34-dhibcood ayadoo booska 4-aad ku jirto balse kulan ayaa baaqi u ah hadii ay kulankaas guuleesteen 37-dhibcood ayay imaan doonaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan