FALLANQEYNTA GROUP C: Chelsea v Atletico Madrid, Roma v Qarabag- Atletico Oo Guul U Baahan & Roma Oo Halis Kujirta

0
998

Chelsea ayaa xaqiijin karta booskeeda kaalinta koowaad ee Group C haddii ay gurigeeda kaga badiso caawa kooxda Atletico Madrid.

Kooxda Antonio Conte ayaa horay ugu soo baxday wareega 16-ka tartankan, laakiin waxaa laga yaabaa in ay Roma kaga soo baxdo booska ugu sareeya hadii ay dhibic ka helaan kulankooda ugu dambeeya.

Chelsea ayaa labo dhibcood ka horeysa Roma, laakiin waxa ay heystaan fursad kooxda ka dhisan Talyaaniga oo soo dhaweyneysa caawa Qarabag.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Stamford Bridge  

SAACADA: 10:45 PM

MAXAA CUSUB?

David Luiz ayaa seegi doona mar kale kooxda Chelsea kulanka ay la ciyaareyso Atletico Madrid tartanka Champions League, sabab la xiriirta dhaawac.

weeraryahanka Charly Musonda ayaa dhibaato ka qaba jilibka, iyadoo tababaraha Blues Antonio Conte uu doonayo inuusan halis ku gelin kulanka ugu dambeeya Group C.

Weeraryahan kale ee Michy Batshuayi ayaa ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii guusha Chelsea ka gaareen Newcastle.

XAQIIQADA KULANKA

Rikoorka guud ee tartamada oo dhan u dhexeeya Chelsea iyo Atletico Madrid ayaa ah mid isku dheelitiran, iyadoo labo kulan koox kasta badisay, labo barbaro gashay , 10 goolna dhalisay.

Atletico Madrid ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay Champions League ay ku wajahaan kooxaha ka dhsian Ingiriiska.

Chelsea ayaa shabaqa soo taabatay mid kasta oo kamid ah 25kii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaareen garoonkooda tartanka Champions League.

Markii ugu dambeysay ee ay ku guuldareystaan inay shabaqa soo taabtaan waxa ay aheyd bishii April 2011 ciyaar ay wajahayeen kooxda Manchester United.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Chelsea: Courtois; Azpilicueta, Christensen, Cahill; Moses, Kanté, Bakayoko, Alonso; Fàbregas, Hazard; Morata

Atlético: Oblak; Partey, Savić, Godín, Filipe Luís; Koke, Gabi, Saúl, Carrasco; Griezmann, Gameiro.

Isla Group-kaan waxaa caaawa ku ballansan kooxaha Roma iyo Qarabag FK, Roma ayaa u baahan guul si ay ugu dhameystaan kaalinta ugu sareysa Group-ka C.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan