“Cabsi aan ka qabay Roy Keane darteed ayaan u qaatay go’aan qaldan” – Garsoore Mark Clattenburg

0
1031

Garsooraha khabiirka ah ee isaga tagay horyaalka Premier League ee Mark Clattenburg ayaa shaaca ka qaaday sheeko yaab leh oo dhex martay isaga iyo kabtankii hore ee Man Utd Roy Keane.

Mark Clattenburg waxa uu xusay in cabsi uu ka qabay Roy Keane darteed uu u qaatay go’aan qaldan, isagoo carabka ku dhuftay inuu Man Utd siiyey koorno aysan lahayn kaddib markii qeylo kala kulmay Keane.

“Xitaa Premier League, weli waan dhoola caddeeyaa markii ugu horreysay aan la kulmo Roy Keane, wuxuu noogu qeyliyay Koorno waana hubay in kubbada goosha la surayo, laakiin si dhawaq dheer leh uu noogu qeyliyay darteed Koorno ayaan u dhigay, sidaas ayaan uga cabsanayay isaga.” ayuu yiri Garsoore Clattenburg.

“Ma lahayn khibrad maamul, maxaa yeelay weli waxaan ahaa wiil yar, ma heysan wax khibrad ah sida loola tacaalo dadka, sida dadka loo maamulo, sida loo dhoho waxa saxan waqtiga ku habboon.”

“Kaliya waa markii aan waynaaday, markii aan bilaabay inaan iska hormariyo xirfadahaas, marka aad heysato xirfadahaas, si fiican ayaad ula fal galeysaa ciyaartoyda.”

“Marka aad la falgasho ciyaartoyda, way kuu sahlayaan nolosha, marka ay kuu sahlaanna waxaad noqoneysaa Garsoore fiican.” ayuu hadadalkiisa ku soo xiray Clattenburg.

Mark Clattenburg oo isaga tagay horyaalka Premier League ayaa hadda ka shaqeeya Saudi Arabia.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan