Faouzi Ghoulam iyo Alex Sandri hadii Chelsea heli weesay sedex daafac kale ayuu Conte dalbaday

0
827

 

Macalin Antonio Conte ayaa maamulka Chelsea ku heesto in xagaagii dhawaa daafac garabka bidix loo soo iibin waayay macquulna ma ahan in Marcos Alonso tartan walbo cayaaro.

Sidaa darteed Conte dooqiisa kowaad waxaa ahaa Alex Sandro balse Juve diyaar uma ahan xili cayaareedkan oo meel dhexe maraayo inay iska iibiso.

Sidoo kale Conte saxiixa Faouzi Ghoulam wuu ku hungoobay madaama Algerian-kan 26-jirka ah dhawaan heshiis waqtigiisa dheer yahay u saxiixay naadiga Napoli.

Sidaa darteed Conte sedex daafac garabka midig midkood in bisha Janaayo loo soo gacan galiyo ayuu dalbaday waxaana liiskiisa si la yaab leh uga soo muuqday Luke Shaw oo Man United iska fasaxeyso.

Jonas Hector oo 27-jir ah xulka Jarmalka iyo FC Cologne ka tirsan ayuu sidoo kale Conte dalbaday in loo soo gacan galiyo weliba daafacan kooxdiisa hoos u dhaca ku habsaday inuu Janaayo ka tago ayuu diyaar u yahay.

Wiilkii hore Chelsea Ryan Bertrand oo hada 28-jir ah kana tirsan Southampton ayay Chelsea la xariirtay waana daafac waaya arag ah oo Chelsea dhibaatada dhanka bidix ka xalin karo.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan