Macallin Zinedine Zidane oo xiriir la sameeyay laacibka kooxda Chelsea ee Eden Hazard – Muxuu kala hadlay?

0
1055

Kooxda Real Madrid ayaa tallaabo u qaaday dadaalka ay ku doonayso weeraryahanka Chelsea ee Eden Hazard, kaasoo ay rabaan inay keenaan garoonka Bernabeu.

Sida wararku ay sheegayaan tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa xiriir la sameeyey laacibka Blues ee Eden Hazard.

Los Blancos ayaa la fahansan yahay inay muddo dheer ku raad joogtay laacibkan reer Belgium, waxaana la la xiriirinayey tan iyo markii uu laacibkan u dhaqaaqay Stamford Bridge kana yimid naadiga Lille sanadkii 2012-kii.

Shalay ayaa la wariyey in Hazard uu iska diiday heshiis qiime sare ah oo ay u soo bandhigtay kooxdiisa Blues si uu qandaraas cusub ugu saxiixo, isagoo dalab ka sugaya sida la sheegay naadiga reer Spain.

Warsidaha Diario Gol ayaa haatan warinaya in macallinka Real Madrid ee Zinedine Zidane uu xiriir toos ah la sameeyey 26-sano todobaadkii la soo dhaafay, si uu uga dhaadhiciyo inuu u soo dhaqaaqo Bernabeu.

Bishii la soo dhaafay Hazard waxa uu shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay Chelsea, halka sidoo kale uu qirtay inuu jecel yahay inuu ka soo ciyaaro macallin Zidane.

Hazard ayaa heshiiskiisa haatan uu ku joogo garoonka Stamford Bridge waxa uu ku eg yahay sanadka 2020.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan