RASMI: Macallimiinta u sharraxan abaal-marinta tababarihii ugu fiicnaa bishii November ee horyaalka Premier League oo la shaaciyey

0
696

Maamulka horyaalka Premier League ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey liiska tababareyaasha u sharraxan abaal-marinta macallinkii ugu fiicnaa bishii November horyaalka Premier League.

Waxaa liiskan isugu soo haray lix tababare oo bandhig fiican ka sameeyey dhammaan kulamadii ay ciyaareen bishii la soo dhaafay November.

Pep Guardiola iyo Jose Mourinho ayaa hoggaaminaya lixda Macallin ee u sharraxan abaal-marinta tababaraha bisha ee Premier League.

Tababaraha Manchester City ee Guardiola kaasoo ku guuleystay abaal-marinta tababaraha labadii bilood ee u dambeysay, ayaa bishii hore ku guuleystay biladii ugu fiicneyd dhanka macallimiinta tan iyo intii ay ku guuleysteen dhamaan afartii kulan ee horyaalka ay ciyaareen, taasoo ka dhigtay inay hoggaanka u sii hayaan horyaalka Ingiriiska, waxaana ay kooxdiisu lumisay kaliya labo dhibcood tan iyo markii uu bilowday xilli ciyaareedka.

Macallinka Man United ee Mourinho ayaa isaga bishaan garaacay Chelsea waxaana uu ku jiraa musharraxiista, halka Macallinka Blues ee Antonio Conte uu isna ka mid yahay musharraxiinta inkastoo kulanka Man Utd uu guuldarreystay haddana waxa uu gaaray saddex guul.

Dhinaca kale Tababaraha Arsenal ee Arsene Wenger, kan kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp iyo hogaamiyaha naadiga Burnley ee Sean Dychey ayaa iyaguna ka mid ah musharraxiinta macallinka bisha November ee horyaalka Premier League.

Macallinka ku guuleysta abaal-marintan ayaa lagu dhawaaqi doonaa 15 bishan December oo ku beegan Jimcaha soo aaddan kiisa xiga.

Guardiola iyo Mourinho ayaa todobaadkan isku qaban doona kulanka Manchester Derby ciyaar ka tirsan horyaalka Premier League.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan