Shirkadda Nike oo sii shaacisay in Cristiano Ronaldo uu habeen dambe ku guuleysan doono Ballon d’Or.. + SAWIRRO

0
823

Shirkadda soo saarta qalabka Isboortig ee Nike ayaa bixisay qish weyn oo ah in laacibka kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo uu habeen dambe ku guuleysan doono abaal-marinta Ballon d’Or 2017.

Nike ayaa soo saartay dhowr joog oo kabo ah ka hor inta aan habeen dambe magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska lagu shaacin cida ku guuleysan doonta abaal-marinta.

Waxaana Shikaddu ay kabaha ku sharraxsan in Ronaldo uu markii shanaad habeen dambe hanan doono abaal-marinta Ballon d’Or, isla markaana iska barbareyn doono xiddiga ay xafiiltamaan ee Lionel Messi.

Kabahan oo nuucoodu yahay the Mercurial Superfly V Quinto Triunfo CR7 ayaa xitaa waxaa ku qoran “Koobkii shanaad’” oo luqada Burtuqiiska ah.

Waxa ay kabahan ka sameysan yihiin cadaan iyo midabka dahabiga ah oo isku jira, waxaana dhexda kaga qoray sida aad sawirrada hoose ku arkeysaan afartii jeer ee uu Ronaldo ku soo guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or sanadihii 2008, 2013, 2014, 2016 & Sidoo kale sanadkan 2017 oo ah midka habeen dambe lagu wado inuu ku guuleysto.

Habeen dambe ayaa lagu dhawaaqi doonaan xiddiga ku guuleysta abaal-marintan, iyadoo si weyn loo saadaalinayo in kabtanka Portugal uu markiisii shanaad ku guuleysto Ballon d’Or oo uu barbareysto laacibka reer Argentina ee Leo Messi oo isna haysta shan jeer abaal-marintan.

Waxaa la warinayaa in abaal-marinta Ballon d’Or habeen dambe lagu bixin doono halka sare Taalladda caanka ah ee Eiffel Tower ee ku taalla caasimadda Faransiiska.

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan