Steven N’Zonzi miyuu ku biiriyaa kooxda Arsenal? Isaga ha inooga jawaabo

0
879

 

Maalmo ka hor waxaa la sheegay in cayaaryahan Steven N’Zonzi socdaal ku tagay magaalada London si uu wada hadalo ula galo kooxda Arsenal oo xidigaan saxiixiisa xiiso u qabto.

Balse Steven N’Zonzi  ayaa beeniyay waraka sheegayaan inuu Arsenal heshiis hordhac ah la gaaray wuxuuna yiri “Waa wax kama jiraan sheekada ah inaan Arsenal heshiis la gaaray, waa run London waan tagay laakiin arimo kubada cagta la xariiro uma tagin halkaas”

“Si sahlan London waxaan u imid inaan wiilkeyga soo arko, halkaas ayuu ku nool yahay ee arimo la xariiro Arsenal ama cid kale inaan la heshiinayo”

Steven N’Zonzi  wuxuu khadka dhexe kaga cayaaraa naadiga Sevilla sidoo kalena Juventus ayaa dabagal ku heyso xidigaan siweyn loo hadal haayo inuu bisha Janaayo bixi doono.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan