TV-ga Juventus oo raali galin siiyay kooxda Inter Milan iyo qaladkii dhacay

0
653

 

Kooxda Juventus ayaa waji gabax la kulantay kuna qasbanaatay TV-geeda inuu raali galin ka bixiyo mid ka mid ah wariyayaasheeda oo Inter Milan naceeb weyn u muujiyay.

Derby d’Italia sabtiga nagu soo fool leh Allianz Stadium ayu ka dhici doonaa waxayna Juve soo dhaweyn doontaa kooxda Inter Milan cayaar labadaan koox sedexda dhibcood ku dagaalami doonaan.

Wariyaha Juventus TV ka tirsan wuxuu yiri “Halaga tir tiri Inter meerahan aan ku nool nahay, waxaana ku riyoodaa inaan gabi ahaanba Inter dhulka ku duugo”

Hadalkan wuxuu kasoo yeeray madaxa xariirayaha TV-ga Juventus Sandro Pellò asigoo naceebka Inter ku tarax tagay wuxuu sii yiri “Waxaa fiicneyd inay boosaneerkooda iska ahaadaan madaama sanadihii ugu dambeesay ay koox caadi ah ahaayeen waxayna ku fiican inay mugdiga isku qariyaan”

Sandro Pellò ayaa ka xumaaday carrada iyo buuqa uu baraha bulshada ka kiciyay waxayna kooxda Juventsy ku amartay inuu raali galin buuxdo bixiyo.

Sandro Pellò wuxuu yiri “Waxaan ka xumahay ereyadii aad adeegsaday hadii ay xasarad kicisay wax walbo kaftan ayay iga ahaayeen ee isir naceeb gaar ah iguma jiro waxaana ka waday mada daalo”

“Hadii ay iga caroodeen ima i dhibsadeen dadka Inter u dhaw waxaan leeyahay raali ahaada ereyo aan idin ku habooneyn ayaan idiin adeegsaday”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan