VIDEO: Rio Ferdinand oo daaha ka rogay xiddiga ka tirsan kooxda Chelsea ee uu aad uga cabsan jiray!

0
1491

Laacibkii hore ee kooxda Manchester United Rio Ferdinand ayaa shaaca ka qaaday inuu weli ku qarwo kaq hor’imaadka weeraryahanka cajiibka ah ee Chelsea Eden Hazard.

Tan iyo markii uu ka soo tagay kooxda Lille sanadkii 2012-kii oo uu ku soo biiray Chelsea, Eden Hazard ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan horyaalka xiisaha leh ee Premier League.

Kooxda ugu wanaagsan Premier League ee PFA Team of the year ayaa 26-sano jirkaan lagu daray afar jeer oo kala duwan, isagoo ka caawiyey Chelsea inay ku guuleystaan labo horyaalka Premier League ah saddexdii sano ee ugu dambeysay.

Hazard ayaa qaab ciyaareed aad u wanaagsan ku raaxaysanaya kal ciyaareedkan, difaacii hore ee Man Utd Rio Ferdinand ayaana qirtay inuu aad uga cabsan jiray ka hor’imaatinka laacibka reer Belgium marka garoonka lagu jiro.

Markii la weydiiyey sida uu ugu raaxeysan jiray inuu ka horyimaado Hazard, xiddigii hore ee kooxda Man United iyo xulka qaranka England ayaa u sheegay BT Sport: “Kuma aanan raaxeysan, weli waan xusuustaa oo weli waan ku qarwaa.”

“Waan iska faraxsanaan jiray, maadama uu xlilligaas garabka joogi jiray, waqtigii Jose waxa uu ka ciyaari jiray garabka bidix, markaa ma uusan imaan jirin dhinaceyga taas oo ahayd mid ii wanaagsan aniga!.”

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan