VIDEO: Siddeeda xiddig ee u sharraxan goolkii ugu fiicnaa bishii November ee horyaalka Premier League oo la shaaciyey

0
833

Waxaa maanta si rasmi ah u shaaciyey liiska goolasha u sharraxan abaal-marinta goolkii ugu fiicnaa bishii November horyaalka Premier League.

Waxaa liiskan isugu soo haray siddeed xiddig oo goolal cajiib ah ka dhaliyey kulamadii ay ciyaareen bishii la soo dhaafay November ee horyaalka Premier League.

Laacibka kooxda Man City ee Kevin De Bruyne ayaa ku jira xiddigaha u sharraxan abaal-marinta goolka bisha ee Premier League, waxaana uu ku tartamayaa goolkii gantaalka ahaa ee uu ka dhaliyey kooxdiisii hore ee Chelsea.

Manchester United ayaa abaal-marinta goolka bisha November ee Premier League waxaa u tartamaya labada ciyaaryahan ee Ashley Young oo laad xor ah ka dhaliyey kooxda Watford iyo Jesse Lingard oo gool uu iska dhexmaray ka dhaliyey isla Watford.

Mohamed Salah ayaa isna ka mid ah musharraxiinta goolka bisha, waxaana xiddiga Liverpool iyo xulka Masar uu ku tartamayaa goolkii uu ka dhaliyey Southampton bishii hore, kaasoo uu ka soo tuuray bannaanka xerada ganaaxa.

Xiddiga Everton ee Gylfi Sigurðsson oo isna gool cajiib ah ka dhaliyey Southampton ayaa isna ka mid ah musharraxiinta.

Jamie Vardy oo goolhayaha Spurs kubad cajiib ka dul qaaday, Wayne Rooney oo kubbad uu ka soo tuuray barmaha garoonka ka dhaliyey kooxda West Ham iyo xiddiga kooxda Huddersfield Town ee Rajiv van La Parra ayaa ka mid musharraxiinta goolka bisha.

Halkaan hoose ka daawo siddeeda gool ee u sharraxan abaal-marinta goolka bisha November ee Premier League:-

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan