Waa kuma sedexda cayaaryahan macalin Mourinho £80m bisha Janaayo kusoo qaadan doono

0
1281

 

Waxaa horey shaaca looga qaaday in maamulka kooxda Man United macalin Jose Mourinho gacanta u galiyeen £80m si uu bisha Janaayo cayaartooy ugu soo iibsado.

Haatana waxay The Express ogaatay £80m sedexda cayaartooyda uu macalin Jose Mourinho bisha Janaayo kusoo iibsan doono si ay kooxdiisa u xoojiyaan.

Waxaa xusid mudan in Romelu Lukaku, Nemanja Matic iyo Victor Lindelof macalin Jose uu kusoo iibsaday £169.5m xagaagii dhawaa.

Danny Rose, Mesut Ozil iyo Sergej Milinkovic-Savic oo Lazio ka tirsan ayuu Mourinho doonayaa inuu £80m bisha Janaayo kusoo qaato.

Sidoo kale Ivan Perisic oo Inter Milan ka tirsan ayuu isku dayi doonaa Jose gacanta kusoo dhigo bisha Janaayo hadii Inter ka aqbasho dalabkiisa lacago dheeraad ah ayuu maamulka Man United weydiisan doonaa.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan